GUDAHA/wararka

Maraykanka oo Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 543 duqayn

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqaymo kala duwan tan iyo sannadkii 2001dii iyada oo wadarta shanta muddo xileed ee 25kaas sanno ay gaartay 543 duqayn sida lagu sheegay xog uruurin arrintaas ku saabsan oo lagu sameeyay.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarradaas ay ku beegsatay dad isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo qaarkood lacago ay dul dhigtay Madaxooda, halka ay jiraan Dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay duqaymaha.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen dhacdooyin kala duwan oo weerarro ah kuwaas oo lagu beegsaday goobo kala duwan oo Soomaaliya ah, waxaana ay intaas ku dareen in madaxdu u kala badan tahay amarka duqaymaha.

George W. Bush oo xilka hayay (2001–2009) waxa uu amray 11 duqeyn.

Barack Obama (2009–2017) waxa uu saxiixay 48 duqeyn.

Donald Trump (2017–2021) waxa uu fasaxay 219 duqeyn.

Joe Biden (2021–2025) oo qaatay hal muddo xileed waxa uu fuliyay 51 duqeyn.

Donald Trump oo dib loo doortay (2025) isaga oo weli ku jira kala bar muddo xileedkiisa waxa uu amray 214 duqeyn.

Marka Donald Trump la dhinac dhigo Madaxdii ka horraysay waa kan ugu badan ee fasaxay duqaymaha Diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ka gaystaan Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya kuwaas oo la sheegay in lagu beegsado AS & Daacish.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Qaramada Midoobay & Ingiriiska oo ku ballamay sii wadista taageerrada la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…

11 mins ago

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…

30 mins ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

2 hours ago

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…

2 hours ago

Maxaa ka jira in uu wadahadal u socda Maraykanka & Iiraan?

Waxaa dib u billowday dedaallada wadahadallada dadban ee xogtoodu daahsoon tahay una dhaxeeya Maraykanka iyo…

3 hours ago

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin oo ku xayirnaa Yemen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin Soomaaliyeed, oo ay ku…

17 hours ago