GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin oo ku xayirnaa Yemen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo ku xayirnaa dalka Yemen.

Muwaadiniintan ayaa maanta laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee FlyAden ee dalka Yemen ayaa muwaadiniintan ka soo qaaday magaalada Cadan, iyadoo duulimaad toos ah ku keentay magaalada Muqdisho.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Nadaara, ayaa sheegay in muwaadiniintan ay dhibaatooyin ku qabeen dalka Yemen, isaga oo xusay in dib u soo celintooda ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha IOM, UNHCR iyo Midowga Yurub.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sannadkan gudihiisa dalka dib ugu soo celisay in ka badan 1,500 oo muwaadin Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo saartay habraac la xiriira Guurka

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu…

10 hours ago

Maxay yihiin sameecadaha ay Kuuriyada Waqooyi gaynayso xadka Kuuriyada Koofureed?

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay dhammaadka bisha Oktoobar dib u hawlgelin doonto sameecadaha ay ka…

12 hours ago

Qaramada Midoobay & Ingiriiska oo ku ballamay sii wadista taageerrada la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…

19 hours ago

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…

19 hours ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

20 hours ago

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…

21 hours ago