Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u sheegay in ay ka go’an tahay garab istaagga Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si ay u xoojiyaan adkaynta nabadgalyada.
Kulan dhexmaray Madaxa Xafiiska UNSOS, Qurat-ul Ain Sadozai iyo Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King waxa ay diiradda saareen sidii labada dhinac ay u sii kordhin lahaayeen taageerrada ay siiyaan Soomaaliya.
Madaxda UNSOS ayaa Danjiraha Ingirisiiska ee Soomaaliya u sheegtay in Xukuumadda London looga baahan yahay garab istaagga Ciidamada dusha saartay mas’uuliyadda Amniga ee wajahaya caqabadaha kala duwan sida hadalka loo dhigay.
Xafiiska UNSOS ayaa haysta taageero waqti kooban oo Maraykanka iyo Dalalka kala duwan ee caawiya ciidanka Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya si ay u xoojiyaan sugidda Amniga una helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin sida warka loo dhigay.
Ingiriiska waxa uu kamid yahay Dalalka taageera Xafiisyada kala duwan ee Qaramada Midoobay inkasta oo marka la dhinac dhigo taageerrada Maraykanka oo isagu qaatay go’aan uu ku joojinayo dhaqaalaha uga baxa Xafiiska UNSOS & waxyaabo kale oo hoos imaanaya.
Mustaqbal
Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha maamulka…
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan ayaa maanta kulan gaar…
Dowladaha Qadar iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in dib loo furo Marinka-biyoodka Hormus, iyagoo ka…
Golaha Wakiilada ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa maanta dooranaya Hoggaamiyaha…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu…
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay dhammaadka bisha Oktoobar dib u hawlgelin doonto sameecadaha ay ka…