GUDAHA/wararka

Maxkamadda Culimada Puntland oo xukuntay Wiil la isku qabsaday

Culimadii loo xilsaaray Kiiska Maxamed oo ah Wiil 16 jir ah ayaa dhagaysi kaddib waxa ay maanta xukumeen Ninka dhalay Wiilkaas, waxaana ay sheegeen Aabaha Inankaas uu yahay Liibaan Xaaji Tahliil sida xukunkooda ku sheegeen.

Dad badan ayaa la socday sheekadaan oo qabsatay Baraha Bulshada, Liibaan iyo Faarax oo labaduba guursaday Xaliimo oo ah Hooyada Dhashay Maxamed ayaa mid weliba sheegtay in uu dhalay Wiilkaas iyada oo dooddu u gudubtay labada Ehel.

Muranka oo dheeraaday waxa uu sababay Dhimasho iyo dhaawac sida laga hor sheegay Maxkamadda, waxaana ugu dambayn la go’aamiyay in lagu kala baxo Go’aan Maxkamadeed oo gunaanadkii maanta soo baxay.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa go’aansatay in Guddi Culimada deegaankaas ah lo xilsaaro si ay u dhagaystaan labada Nin ee Wiilka isku qabsaday, Hooyada Dhashay, Wiilkaas qudhiisa, Marqaatiyaal iyo Dad kale oo kiiskaan soo galay.

Kiiskaan waxa uu kamid noqday kiisaska hadal haynta dhaliyay ee Maxkamadaha lagu qaado iyada oo aan la adeegsan aaladda lagu ogaan karo Hiddaha qofka ee DNA, waxaana maalmo kala duwan la dhagaystay qodobada kiiskaas hoostagaya.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Qaramada Midoobay & Ingiriiska oo ku ballamay sii wadista taageerrada la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…

5 hours ago

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…

6 hours ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

7 hours ago

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…

7 hours ago

Maxaa ka jira in uu wadahadal u socda Maraykanka & Iiraan?

Waxaa dib u billowday dedaallada wadahadallada dadban ee xogtoodu daahsoon tahay una dhaxeeya Maraykanka iyo…

8 hours ago

Maraykanka oo Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 543 duqayn

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqaymo kala duwan tan iyo sannadkii 2001dii iyada oo wadarta…

20 hours ago