GUDAHA/wararka

Maxaa sababay in uu Axmed Qoorqoor ka tanaasulo u tartamidda Xilka Madaxweynaha DG Galmudug?

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in uu ka tanaasulay u tartamidda xilka madaxweynaha Dowlad-Goboleedkaas kaddib kulamo uu la qaatay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo dhinac isla dhigeen qorshaha Doorashooyinka Dalka.

Axmed Qoorqoor ayaa qiray in ay labo daraf kala istaageen Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Galmudug balse ugu dambayn markii fadhi ay ka yeesheen uu ka tanaasulay musharraxnimadiisa isla markaana Dowladda ku raacay Doorashada ay qabanayso.

“Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa ay ku jirtaa marxaladda kala guurka ee dalka uu ku jiro, muddooyinkii u dambeeyay waxaa jiray kala duwanaashiyo doorashada sida ay u dhacayso, markii uu noqday mid aan si isku mid ah u wadin waxa ay u baahatay in loo fakiro” Ayuu yiri MW DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Waxa uu intaas ku daray in ay xilka sii haynayaan kuna wareejin doonnaan mas’uuliyiinta lasoo doorto, hay’adaha kala duwan ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu faray in ay ka shaqeeyaan sidii loosii horumarin lahaa maamulkaas.

“Galmudug waxa ay igu haysaa laxaw jecli sida carruurta la dhalay oo kale, waxa aan go’aansaday in aan ka haro nidaamka hadda socda, Xilka ayaan sii hayneynaa oo si habsami leh usii wadaynaa, cid weliba oo soo baxda waxa aan ku warayjin doonnaa Galmudug Mideysan oo Caafimaad qabta” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha DG Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Tani waxa ay soo afjaraysaa doodihii la xiriiray kala duwanaanta siyaasadeed ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug, waxaana dhowaan laga filayaa deegaannada maamulkaas in ay ka dhacdo Doorasho Dadweyne sida uu sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Qaramada Midoobay & Ingiriiska oo ku ballamay sii wadista taageerrada la siiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Taageerrada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOS iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si wadajir ah u…

5 hours ago

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Urur Siyaasadeedka JSP oo dowladda ku eedeysay in uu gacan saar la leeyahay AS!

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Guddoomiye ku xigeenkii Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajir ee JSP, ahna…

6 hours ago

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta Dhagaysanaya hadal jeedinta musharriixinta Hoggaamiyaha & ku xigeenka Maamulkaas

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa maanta dhagaysanaya hadal jeedinta Musharrixiinta u tartamaysa Hoggaamiyaha iyo ku…

7 hours ago

El Salvador oo Cudurka Ebola dartiis xayiraad safar u saartay 8 Dal oo Afrikaan ah

Dalka El Salvador ayaa xayiraad Safar kusoo rogay Muwaadiniinta Siddeed Dal oo Afrika ah kuwaas…

7 hours ago

Maxaa ka jira in uu wadahadal u socda Maraykanka & Iiraan?

Waxaa dib u billowday dedaallada wadahadallada dadban ee xogtoodu daahsoon tahay una dhaxeeya Maraykanka iyo…

8 hours ago

Maraykanka oo Soomaaliya ka fuliyay in ka badan 543 duqayn

Maraykanka ayaa Soomaaliya ka fuliyay duqaymo kala duwan tan iyo sannadkii 2001dii iyada oo wadarta…

20 hours ago