GUDAHA/wararka

Madaxweynaha JFS oo ubax dhigay Taallada Halgame Dhagaxtuur

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ubad dhigay Taallada Halgame Dhagaxtuur oo kamid ah Dadkii naftooda u huray iska dulqaadista gumaystihii Dalka kala qaybiyay ee dhibaatooyinka ku hayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhinac socdaan Saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ayaa saakay ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur si loo maamuuso xuska 66 sano guurada kasoo wareegtay markii Gobollada Waqooyi ay ka xorroobeen Gumaystihii Ingiriiska.

Sannad weliba marka la gaaro 26ka June ilaa 1da luuliyo (July) waxa ay Soomaaliya maamuustaa markii ay madaxbannaanida ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska ee Waqooyiga Dalka Isticmaarsan jiray iyo Talyaaniga oo gumaysan jiray Koofurta Dalka ahna israaca labadaas gobol.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo u hambalyeeyay Hoggaanka cusub ee Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug,…

4 hours ago

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay Hoggaamiyaha Galmudug

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Liibaan Axmed Xasan u doortay hoggaamiyaha maamulka…

7 hours ago

Soomaaliya iyo Turkiga ka wada hadlay horumarinta Kalluumeysiga

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan ayaa maanta kulan gaar…

9 hours ago

Qatar iyo Faransiiska oo ku baaqay in la furo marin-biyoodka Hormus

Dowladaha Qadar iyo Faransiiska ayaa ku baaqay in dib loo furo Marinka-biyoodka Hormus, iyagoo ka…

10 hours ago

Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka Galmudug oo maanta qabsoomeysa

Golaha Wakiilada ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa maanta dooranaya Hoggaamiyaha…

12 hours ago

Wasaaradda Caddaaladda XFS oo soo saartay habraac la xiriira Guurka

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu…

1 day ago