CIYARAHA/GUDAHA

Turkiga oo billaabay dhexdhexaadinta Dowladda iyo Mucaaradka

Turkiga ayaa soo faragaliyay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo wada hadallo la yeelaneysa dhinacyada Mucaaradka iyo Dowladda si looga wada hadlo khilaafka taagan.

Wafdi sare oo ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Taliye ku xigeenka Sirdoonka dalkaasi ayaa maanta wada hadallo la yeelanaya dhinaca Mucaaradka gaar ahaan xubno ay si gaar isaga soo xuleen.

Xubnaha Mucaaradka ayaa dhankooda laga dhageysanayaa doodooda la xiriirta dhinaca Doorashooyinka iyo arrimaha ay ku diidan yihiin dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Wafdigaan dhexdhexaadinta wada ayaa dhageysan doona dhinaca Dowladda Federaalka, iyadoo la qorsheynayo in kulan wada jira ah la isugu keeno Mucaaradka iyo Dowladda.

Kulamadaana uu Turkiga wado ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa taabacsan Mucaaradka.

Xubnaha kale ee Beesha Caalamka sida Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa oggolaaday dhexdhexaadinta Turkiga wado ee lagu soo afjarayo Khilaafka ka taagan arrimaha Siyaasadda Soomaaliya.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

Maxay ka dhigan tahay in Hay’adda NISA ay saraakiisheeda ka mamnuucdo kasoo muuqashada Baraha Bulshada?

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qaadday tallaabooyin ka dhan ah Saraakiisha…

1 hour ago

Maxaa kasoo baxay doodda dhexmartay labada musharrax ee u taagan Xilka Madaxweynaha Brazil?

Dalka Brazil waxaa ka dhacday Dooddii in muddo ah la sugayay ee u dhaxeysay Madaxweynaha…

2 hours ago

Guddoomiye Jaamac oo XFS faray in ay Ciidanka Itoobiya kala xisaabtanto sababta loo qabsaday Magaalooyinka ay joogaan ciidankaas

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaannada,…

3 hours ago

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay dagaal dib ay ugu qabsanayaan deegaannada gacantooda ka baxay

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay…

4 hours ago

Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan…

17 hours ago

Masar oo ku baaqday in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar…

19 hours ago