Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qaadday tallaabooyin ka dhan ah Saraakiisha isticmaasha Baraha Bulshada iyada oo horay Ciidamada Hay’addaas uga mamnuucday in ay sawirradooda iyo xogtooda mareegta soo geliyaan.
NISA ayaa Saraakiisheeda iyo Ciidankeeda kahor leexisay Baraha Bulshada si waji cusub ugu yeesho qorshaha lagu adkaynayo Amniga iyo shaqooyinka sida ay ugu kala xilsaaran yihiin loona qariyo Koontooyinka magacyadooda ku qoran ee xogahooda soo dhigayeen.
Saraakiil katirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo intooda badan Baraha Bulshada kasoo muuqan jiray ayaa xiran, waxaana aad u yaraaday muuqaalladii inta badan ciidamadu iska soo duubi jireen.
NISA ayaa dardargelisay qorshaha sugidda Amniga Magaalada Muqdisho iyada oo isbaddel ku samaysay saraakiisha ciidanka waana tan loo arko in ay qayb ka tahay tallaabada lagu xog iyo waji qarinayo saraakiishaas sida ay ku warrameen ilo kala duwan.
Hadal hayn dhinaca Bulshada ah ayaa ka dhalatay tallaabadaan maadaama inta badan saraakiisha iyo ciidamada lagu arko iyaga oo adeegsanaya Baraha Bulshada halkaasina laga aqoonsado shaqadiisa & xilka uu hayo.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ma faahfaahin sababta keentay in la xiro Saraakiisha iyo waxyaabaha soo kordhiyay in ciidanka laga reebo kasoo muuqashada Baraha Bulshada.
Mustaqbal
Dalka Brazil waxaa ka dhacday Dooddii in muddo ah la sugayay ee u dhaxeysay Madaxweynaha…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaannada,…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay…
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan…
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee…