GUDAHA/wararka

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Midowga Yurub?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-dhiska, taageerada hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, nabadda iyo horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale danjiraha la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka laga gaaray amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada, xaqiijinta amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankiisa, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub ayaa xaqiijiyey muhiimadda uu Midowga Yurub siinayo xiriirka Soomaaliya, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Turkiga oo sheegay in uu kordhinayo tababarrada ciidanka Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…

25 mins ago

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo la sheegay in uu galay xaalad miir-dabool ah

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…

1 hour ago

Soomaali khasaare ka soo gaarey duqeymo ka dhacay xadka dalalka Suudaan iyo Koofurta Suudaan

Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay…

12 hours ago

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koofur Galbeed oo soo saaray go’aan ka dhan ah Laftagareen

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay digiin ugu direyso dhammaan dadka faafiyay wararka…

13 hours ago

Kenya & Itoobiya oo lagu eedeeyay faragelinta Maamulka Koofur Galbeed

Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb…

13 hours ago

Maxkamadda Sare oo ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka…

14 hours ago