GUDAHA/wararka

Golaha Wakiillada Galmudug oo maanta doortay Guddoon cusub

Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug oo maanta qabtay Doorashada Guddoonkooda doortay Guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen, waxaana xilkaas loo dhaariyay isla markaana si uu guddoonkaas shaqada ula wareego.

Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur Dhegaweyne ayaa helay codadka Xildhibaannadii codeeyay 79 Cod sida uu sheegay guddigii qabtay doorashooyinka ee golahaas laga soo dhex xulay.

Cabdulqaadir Axmed Cali oo u taagnaa qabashada guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maamulka Galmudug ayaa helay 87 cod halka ku xigeenka labaad oo ah Mursal Cabdi Aadan, uu codad lamid ah oo ah 87 cod.

Maamulka Galmudug ayaa haatan u jihaysanaya diyaarinta doorashada Hoggaamiyaha iyo ku xigeenka maamulkaas, iyada oo la raacayo jadwalka uu dejiyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo jadwalkaas soo diyaariyay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Obama oo difaacay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo cadaadis uu ku hayo Trump

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan…

13 hours ago

Masar oo ku baaqday in la ixtiraamo Madaxbannaanida Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Midowga Yurub?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee…

15 hours ago

Sacuudiga & Xuutiga oo si is khilaafsan uga hadlay Diyaarad Militari oo ku dhacday Gobolka Najraan

Bqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa war kasoo saartay diyaarad Militari oo nooceedu yahay Helicopter oo ku…

19 hours ago

Baarlamaanka Masar oo maanta u codaynaya Difaaca Sacuudiga

Baarlamaanka Masar ayaa maanta u codaynaya qaraarka la xiriira Difaaca Sacuudi Carabiya maadaama ay dhibaato…

21 hours ago

Shariif Sheekh Axmed oo Dacwad ka dhan ah Wax ka baddelka Dastuurka Dalka gudbiyay

Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee Dalka u gudbiyay Dacwad…

22 hours ago