Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa Maxkamadda Sare ee Dalka u gudbiyay Dacwad ka dhan ah Wax ka baddelka Dastuurka Dalka lagu sameeyay si ay maxkamaddu u qaaddo dacwaddaas.
Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa garyaqaanka guud ee Dowladda waxa ay ogaysiisay in hay’adaha Dowladda u xilsaaran dastuurka in dacwad laga gudbiyay sida Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda isla markaana ay soo gudbiyaan Caddeemaha laga doonayo.
Garyaqaanka guud ee Dowladda ayaa ugu dambayn 20ka Bishaan sugaya jawaab uga timaada Hay’adaha Dowladda Federaalka u xilsaaran Dastuurka si uu u helo nuqullada caddeymaha uu u adeegsanayo difaaca dacwaddaan laga gudbiyay.
Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa lagu wadaa in ay muddayso waqtiga la dhagaysanayo kiiskaan oo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ku metalayo Qareen Sakariye Ismaaciil Nuur sida xaanshida ku xusan.
Halkaan ka aqriso Warqadda oo faahfaahsan:
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadkaan 2026 dhaqangelisay Dastuurka wax ka baddelka lagu sameeyay ee maray codaynta Baarlamaanka, waxaa jira dhinacyo mucaaradsan oo kahor yimid wax ka baddelkaas iyada oo hadda dacwad laga gudbiyay.
Mustaqbal
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…
Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay…
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay digiin ugu direyso dhammaan dadka faafiyay wararka…
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb…
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka…