Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin faragelinta lagu hayo Maamulka Koofur Galbeed sida ay sheegeen Hoggaamiyaha maamulkaas, Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Itoobiya waxaa lagu dhaliilay in ciidankeeda jooga deegaannada maamulka Koofur Galbeed ay indhaha ka daawadeen Maleeshiyaadka Laftagareen iyo xubno la sheegay in ay katirsan yihiin AS ay qabsadeen deegaanno iyo degmooyin dhowr ah.
Kenya waxaa dhankeeda lagu eedeeyay in ay martigelisay siyaasiyiin ay Dowladda Federaalka Soomaaliya cunaqabatayn saartay oo ku eedeysan in ay qayb ka yihiin faragelinta ciidan ee lagu hayo Maamulka Koofur Galbeed sida hadalka loo dhigay.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la hordhigay in ay jawaab degdeg ah ay ka keento labadaan Dal oo ciidamada ka socda ay joogaan Soomaaliya kuwaas oo ku howlgalla Magaca Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ma jiro war kasoo baxay dhinaca Kenya iyo Itoobiya oo ay uga jawaabayaan eedahaan uga yimid Maamulka Koofur Galbeed iyo mas’uulka labaad ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka waa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka dib ugu soo celisay 148 muwaadin Soomaaliyeed, oo ay ku…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dib u…
Culimadii loo xilsaaray Kiiska Maxamed oo ah Wiil 16 jir ah ayaa dhagaysi kaddib waxa…
Dalka Nigeria oo ka mid ah Dalalka dhibaatooyinka Amni darro ay ka dhacaan, waxaa muddooyinkii…
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…