Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar geesoodka ahaa ee dhexmaray Madaxweyneyaasha dalalka Soomaaliya, Masar, Eretariya iyo Suudaan.
Wada hadal ay khadka Taleefanka ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay iyo dhigiisa Masar, Badr Abdelaty ayaa diiradda lagu saarey xaaladda gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Amniga Badda Cas.
Wasiir Badr Abdelatty ayaa mar kale xaqiijiyey mowqifka Masar ay ku taageerayso midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyo dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo xoojinta awooddooda.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in labada dal ay sii wadaan iskaashiga dhinaca Amniga iyo Diblumaasiyadda.
Soomaaliya, Masar, Eretariya iyo Suudaan ayaa dhawaan ku dhawaaqay iskaashi cusub oo ay ku ilaalinayaan Amniga Badda Cas iyo gobolka Geeska Afrika.
Wada hadallada Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan la filayo in Ciidamada Masar ay soo gaaraan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona dagaalka ka dhanka ah AS.
Mustaqbal
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in sannadka soo socda 2027 ay kordhinayso tababarrada Ciidamada Soomaaliya si…
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jon-un ayaa la sheegay in uu ku jiro xaalad miir-dabool ah…
Tobabaan ruux oo ay ku jiraan Soomaali ayaa ku geeriyooday ka dib markii Duqeymo ay…
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay digiin ugu direyso dhammaan dadka faafiyay wararka…
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay qayb…
Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka…