Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo kulan la qaatay Xildhibaannada, Wasiirrada iyo xubno kala duwan oo deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa kala hadlay xaaladda halkaas ka jirta.
Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa dhaqanka Soomaaliyeed uu ugub ku yahay in siyaasi uu AS kaalmaysto sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana uu tilmaamay in cawaaqib xumo uu kala kulmi doonno arrintaas sida uu yiri.
Jaamac ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya faray in ay Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Howlgalka AUSSOM kala xisaabtanto sababta keentay in iyaga oo ku sugan Deegaanno iyo Degmooyin katirsan Koofur Galbeed ay AS qabsadaan waa sida uu warka u dhigayee.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Xukuumadda looga baahan yahay inay jawaab ka bixiso sababta Siyaasi ku jira Liiska Madow waa sida uu yiri in uu ku sugnaado Kenya weliba goobo la yaqaan iyada oo aan tallaab laga qaadin waa sida uu ku dooday Guddoomiye Jaamc.
Deegaannada & Degmooyinka katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ee ka baxay gacanta maamulka Aadan Madoobe isla markaana u gacan galay Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa dhaliyay doodo badan oo la xiriira Amniga iyo Siyaasadda Maamulkaas.
Mustaqbal
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Golaha Shacabka kahor sheegay…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa qaadday tallaabooyin ka dhan ah Saraakiisha…
Dalka Brazil waxaa ka dhacday Dooddii in muddo ah la sugayay ee u dhaxeysay Madaxweynaha…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo markii ugu horraysay ka hadlay…
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Brack Obama ayaa soo saarey qoraal uu ku difaacay Xildhibaan Ilhaan…
Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlay hirgalinta qoddobadii ka soo baxay Shirkii afar…