Categories: Bulashada

Kenya: Nin xaaskiisa u dilay soor Ugaali darteed.

Nin u dhashashay Dalka Kenya ayaa xaaskiisa u dilay Soorta Ugaalida ee aadka looga jecelyahay dalkaasi.

Ninkan ayaa isbitalka la geeyay saacado yar kadib markii uu waxyaabo sun ah cuney si uu nafta isu dhaafiyo saacada yar uun kadib markii xaaskiisii ku diley Soorta Ugaalida ay ku murmeen.

Falkaan ayaa ka dhacay xaafada Emukaba ee dalka Kenya maalintii Axada aheed ee shalay ,waxa ayna dadka deegaanku ku sheegeen xaalad ugub ah ayna wali la fajecsanyihiin.

Ninkan ayaa dilay xaaskiisa kadib markii ay ka  diidey in ay u kariso Soor uu ka dalbaday, kadibna sida wararka qaar sheegayaan uu ku dilay midi oo dhowr mar ka galiyay jirkeeda dhamaan.

Ninkaan oo ahaa 45 sano jir ayaa markii uu diley xaaskiisa waxa uu ku qariyay maryo iyo buste uu korsaaray isaga oo dhiigiina ka dhaqay  kadibna iska aaday meel, xaafada u dhaw oo ciyaar laga fiirsanayay lakiin dariska oo shanqarta iyo sawaxanka ka shaki qabay ayaa arkay maydka gabadha la dilay.

Ninkaan ayaa markii uu ogaaday in laga war helay dhimashada gabadha ayuu cabay sun si uu nafta isku dhaafiyo, waxa uuna noqaday miir la’aan.

Dadka xaafada ayaa ugu wacay booliiska si meesha looga qaado ninkaan sunta cabay iyo meydka gabadha ,ninkaan ayaa hada xaaladiisa caafmaad lagu dabiibayaa Istibaal ku yaala Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya.

Isha NAIROBINEWS.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

15 hours ago