Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gelinkii danbe ee maanta gaaray magaalada Bujumbuura.
Wafdiga Madaxweyne Farmaajo oo ay ku jiraan Wasiirka gaashaandhiga, Taliyaha Xoogga dalka iyo La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.
Madaxweyne Farmaajo iyo Nkurunziza, ayaa kulan kooban ku wada qaatay xarunta Madaxtooyada, iyadoo lagu balamay kulan balaaran oo diiradda lagu saarayo iskaashiga dhinaca amaanka, xiriirka labada dal iyo adkeynta danaha ay wadaagaan labada dal.
Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in kulankooda uu qeyb ka noqonayo qorshaha Amisom, maadaama Burundi ay leedahay Ciidanka ugu badan ee dalkan ka howlgala, marka laga yimaado Uganda.
Sidoo kale waxey diirada saari doonaa qorshaha bishan dhamaadkeeda ee dalkan looga saarayo 1,000 askari, kuwaasoo laga wadayo deegaanada Sh.Dhexe.
Si kastaba, Midowga Afrika ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Kun Askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi ay 28ka Bishan ka baxayaan Soomaaliya.
Dowladda Burundi ayaa arrintaas aad u diidday iyada oo Madaxda Midowga Afrika ku eedeysay in ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan dalkaasi.
Ciidamada Burundi ee kunka Askari ah ayaa 28ka Bishan ka baxaya Maamulka Hirshabeelle,madaxda Maamulkaas ayaa aad walaac uga muujiyay bixitaanka Ciidanka Burundi oo ka baxaya Gobolkooda.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ku baaqay in la qeybsado Ciidanka ka baxaya AMISOM halkii laga wada qaadi lahaa Maamulkiisa.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…