Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa maanta waxaa hortageysa Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Munica Juma,waxaana ay su’aalo ka weydiinayaan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.
Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda Kenya, Ninka Guddoomiyaha ka ah Katoo Metito, ayaa sheegay in Wasiirka ay doonayaan in ay wax ka weydiiyaan khilaafka dibolamaasiyadeed ee sii xumaanaya una dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.
Baarlamaanka ayaa sheegay in Wasiiradda ay ka doonayaan xogta dhameysiran ee la xiriirta halka ay iskala qaadeen labada dal.
Xoghayaha joogatada ah ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ,Macharia Kamau ayaa sheegay in labada dal ay arrintan u dhameyn karaan si hoose,iyada oo markii uu khilaafka billaabanayay aysan wasiiradda joogin Kenya.
Xukuumadaha Nairobi iyo Muqdisho ayaa si hoose isugu afgartay in xaaladda la dejiyo islamarkaana si hoose looga wada hadlo wixii dhacay.
Xog hoose ayaa sheegaysa in Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya Munica Juma uu qorshuhu ahaa in ay maanta timaado Magaalada Muqdisho,iyada oo ka soo laabatay shirkii Amaanka ee ka dhacay Dalka Germany.
Laakiin Baarlamaanka dalkaasi ayaa u yeeray si ay su’aalo u weydiiyaan,waxaana ay ku sheegeen in arrintan ay muhiim u tahay dadweynaha ay matalaan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…