Gooldhaliyihii hore ee kooxaha Chelsea West Ham iyo xulka Englan Joe Cole ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu gabi ahaanba isaga fariistay ciyaaraha kubada cagta.
Cole ayaa ciyaaray 716 kulan isaga oo dhaliyay 104 isaga oo u ciyaaray 7 kooxood xirfadiisana ku dhamaystay kooxda Tampa Bay Rowdies waxana uu haatan u jeedsan doonaa xirfada tababaranimo.
Khabiirka ayaa 56 kulan u saftay xulka qaranka England isaga oo kala soo muuqday 3 koob adduunka kadib markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay xulka isaga oo 19 jir ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku bilwoday West Ham.
Cole oo ku dhawaaqayay ka fariisigiisii ciyaaraha ayuu yiri” Kadib 20 sano oo aan soo watay xirfada kubada cagta, waxa la gaaray wakhtigii aan iska siibi lahaa kabaha waxa ay ahayd riyo run ii noqotay”.
“Wax walba oo xigta waxa ay 20-kii sano ee ugu dambeeyay ii ahayd qaar khaas ii ah xirfad ahaan, waxa aan si weyn ugu mahad celinayaa cid walba oo i caawisay wakhtigaas waan u mahad celinayaa” ayuu yiri.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…