Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsi rasmi ah u gudbisay Urur Goboleedka Ganacsiga ee Bariga Afrika oo ay dooneyso in ay xubin ka noqoto.
Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mohamed H. Abdi , ayaa waxaa uu dalkaas kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Ganacsiga Bariga Afrika Liberat Mfumukeko.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay codsiga Soomaaliya ee ah ku biirista Ururka Ganacsiga ee ay ku wada jiraan inta badan Waddamada Bariga Afrika.
Liberat Mfumukeko, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan Novermber ay khubarro qiimeyn ku sameeya xaaladda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada ururkan iman doonaan Soomaaliya.
Xeerarka ururkan waxaa ka mid ah in dalka xubin ka noqonaya ay ka jirto dimuqraadiyad,dowlad Wanaag,u hoggaansanka sharciga, dhowridda xuquuqda aadanaha, iyo qodobo kale.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…