Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa maanta gaaray Israel isaga oo billaabay safar uu ku bixinayo Bariga Dhexe. Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel.
Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.
Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia, isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya, waxa uuna Jimcaha wada-hadallo la yeelan doonaa saraakiisha Sacuudiga, isaga oo sidoo kale ka qeyb-gali doona kulan madaxeedka dalalka Khaliijka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in safarka oo ah kii ugu horreeyey ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isaga oo madaxweyne ah uu dhalin karo tallaabooyin ku wajahan aas-aasidda xiriir ay yeeshaa Saudi Arabia iyo Israel, oo ah labada dal ee ugu awoodda badan xulufada Mareykanka ee gobolka.
Madaxweyne Biden, oo dalkiisa ku wajahaya cadaadis ku saabsan in hoos loo dhigi qiimaha shidaalka, ayaa la filayaa inuu dalalka Khaliijka ku cadaadiyo inay kordhiyaan shidaalka ay soo saaraan, si qiimaha hoos loogu dhigo.
Isha: VOA
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…