Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Safiirka Dawladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre oo ay kamid ahayeen madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee Africom.
Kulanka Madaxweynaha iyo Masuuliyiintan kasocotay Dowladda Maraykanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amaanka, dagaalka Argagixisada iyo tageerada Mareykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre kala hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe Madaweynaha Jubbaland ayaa wada kulamo uu la yeelanayo Wakiillada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya isaga oo ku soodhaweenayay Magaalada Kismaayo oo ah Caasimadda Gobalka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha Jubaland ayaa 12-kii July 2022-ka Kismaayo ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster, oo ay ka wada hadleen tageerada Dowlada Ingiriiska ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan sidii xal waara loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda.
Mustaqbal
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…
Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…