GUDAHA/wararka

RW Xamse oo faray Agaasimayaasha guud ee Wasaaraha dardar gelinta howlaha Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kualan kula yeeshay Xafiiskiisa Agaasimayaasha guud ee Wasaaraha iyo Hoggaanka Hay’adaha dowladda.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha ayaa ku saabsanaa is xogwareysi, isaga oo faray dhammaan Agasaamiyaasha dardar gelinta howlaha Qaranka. Sida lagu yiro qoraal ka soo baxay Xafiiska Xukuumadda.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa wada kulamo uu la yeelanayo, madaxda Hay’adaha Dowladda, isaga oo la kulmay 3-dii July 2022 qaar ka mid ah xubnaha Golaha Agaasimayaasha Hay’adda Istaatistikada Qaranka oo ay ka wadahadleen mudnaanta qabashada tirakoobka guud ee dadweynaha.

Sidoo kale isla maalinta Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa la kulmay hoggaannada tiirarka uu ka kooban yahay qorshaha xukuumadda iyo mas’uuliinta mashaariicda socda, kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha u soo bandhigay warbixin ku saabsan habsami u socodka howlaha kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada, isaga oo la filayo in uu horgeeyo Golaha Shacabka BFS si ay u siiyeen codka kalsoonida.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago