Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynihii sagaalaad ee JFS ayaa 2020-ka Safar qarsoodi ah ku tagay Israel isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaarahii xilligaas talada hayay ee Benjamin Netanyahu.
Sida uu sheegay Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel.
Wargeyska waxa uu intaas ku daray in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu la socday Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo haatan ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.
Maqaalka ka soo baxay “Times of Israel” ayaa lagu sheegay in wadahadlkaas xoogga lagu saaray xiriirka Israel iyo Soomaaliya balse labada Madaxtooyo kama aysan hadlin.
Diblomasiyiin uu soo xigtay Wargeyska uu magacyadooda uusan xusin ayaa u xaqiijiyay in kulankaan lagu ballamay in aan marnaba la soo bandhigin, xogaha ku aaddan safarka iyo wada hadalka labada mas’uul.
Ilaha wargeyska u xog warramay ayaa xaqiijiyay in Safarka Farmaajo uusan qeyb ka aheen dadaalkii uu waday Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump ee uu isugu soo dhaweenayay Dowladaha Carbeed iyo Israel.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynihii 9aad ee JFS ayaa safarro iyo heshiisyo qarsoodi ah sameeyay, muddadii uu xafiiska joogay 2017-2022, kuwaas oo dib laga ogaaday ka gadaal markii uu ku guuldareystay doorashadii dhacday 15-kii May 2022.
Mustaqbal
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…