Xidiga Real Madrid ay iska leedahay balse amaahda uga ciyaara kooxda Bayer Munich James Rodriguez ayaa lagu soo waramayaa inuu meesha ka saaray inuu u dhaqaado horyaalka Premier League oo aad looga xiiseynayay suuqii jilaalka.
James ayaa haatan dhameysanaya labo sano oo amaah ah oo uu ku qadanaya Bayern Munich.
Arsenal ayaa aad loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso weeraryahanka, laakiin sida laga soo xigtay Marca balse xidiga ayaa go’aansaday in uu kooxdiisa sii joogo.
Wargeyska The Bild ayaa ku waramaya in James uu doonayo inuu ugu yaraan sannad kale ku qarash gareeyo Bernabeu, inkastoo ay weli muuqato in ciyaaryahanka uu qorsheynayo inuu sii joogo Bayer.
Bayer Munich ayaa wali heysata fursad ah in ay si toos ah ula wareegto adeega xidiga reer Colombia ee James.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…