Hay’adda Culimada oo ka hadashay amaanka, Khilaafka Dowladda, iyo dowlad Goboleedyada

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta shir ay ku qabteen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen amaanka dalka, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Sheekh Nuur Baaruud oo ka mid ah hay’adda ayaa sheegay in dowladda ay guulo muhiim ah ka gaartay siyaasadda arrimaha dibadda, la dagaallanka musuqa iyo dhismaha heykalka dowladnimo.

Mar uu ka hadlayay arrinta amaanka ayuu dowladda ku dhaliilay in aysan waxbadan ka qaban amaanka,waxaana uu su’aal ka keenay sida saddex gaari oo wada walxaha qarxa ay ku soo galeen Muqdisho kuna weerareen Hotelka Saxafi.

Waxaa uu dhaliilay isbeddellada ciidamada, xilka qaadista Taliyayaasha Ciidamada iyo sida ay dowladda ku ogaan weysay qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

Dowladda Federaalka ah ayuu sheegay in lagula xisaabtamayo dhibaatada haysata shacabka isaga oo xusay in aysan cudur daar u heleyn in maalin kasta shacabka Soomaaliyeed la laayo.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa soo jeediyay in Al-shabaab laga saaro labada Shabeelle si amaanka Muqdisho loo sugo,waxaana uu sheegay in ay dowladda Cambaareyn ku muteysan karto in aysan Gobolladaas ka saarin Al-shabaab.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa ku baaqay in Xaasaska iyo Carruurta Xubnaha ka tirsan Al-shabaab laga saaro Magaalada Muqdisho sida ay sameeyeen Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledxaawo.

Khilaadka dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in dhibaatadaba ka dhalatay markii Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada loo bixiyay madaxweyne islamarkaana ay isu maleeyeen in ay isku awoodyihiin dowladda dhexe.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

10 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

12 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

13 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

17 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

20 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

20 hours ago