Guddiga doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay dib u dhigeen doorashada iyaga oo aan sheegin maalinta ay dhaceyso.
Xubnaha Guddiga doorashada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in 20 Xubnood oo ka joogta Guddiga ay 15 ka mid ah isla garteen in doorashada dib loo dhigo muddo labo todobaad ah.
Guddigu ma sheegin maalinta ay dhaceyso doorashada waxaana ay sheegeen in labo todobaad kaddib go’aan laga gaarayo.
Doorashada Madaxtinimada Koofur Galbeed ayaa lagu waday in ay dhacdo Sabtiga soo socda ee 17ka Bishan laakiin maanta ayaa lagu dhawaaqay dib u dhigiddeeda.
Arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf Guddiga doorashada kala dhexgalay oo sababay in ay qaarkood is casilaan,waxaana hakad galay jadwalka iyo habraacii doorashada.
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…