Guddiga Doorashada Koofur Galbeed oo maanta yeelanaya kulan gaar ah

Guddiga doorashada Madaxtinimada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ka yeeshaan doorashada madaxtinimada degaankaas.

Ujeedka kulanka guddigaan ayaa ah sidii ay usoo dhameystiri lahaayeen xubnaha ka maqan oo boosaskooda ay baneeyeen xildhibaano gaaraya 15-xubnood, kuwaas oo is casilay.

Guddiga ayaa ka koobnaa 27-xubnood, Baarlaamanka koofur Galbeed ayaa ansixiyay 21-kii bishii Oktoobar sanadkaan.

15-ka xubnood ee ku haray Guddiga ayaa ku adkeysatay in Doorashada ay dhici doonto 17-ka Bishaan oo ku beegan todobaadka soo socda.

Habraacii ay dejiyeen Guddiga doorashada ayaa waxaa  jadwalka ka mid ahayd in maanta oo ay bishu tahay 12 ay Musharrixiinta billaabaan jeedinta Khudbadaha ay uga hadlayaan qorshaooda.

Waxaa ay u badan tahay in kulanka maanta ay Guddiga dib u dhigaan waqtiga doorashada maaddaama wali aysan Musharrixiin badan is diiwaangelin,Guddiga  doorashada dhameysttirneyn sidoo kalena la galay qeyb ka mid ah jadwalkii doorashada.

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

14 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago