Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Muqdisho.
Kulanka maanta ayaa looga hadlayaa aqrinta 1aad ee hindise sharciyeedka Duulista Hawada iyo dib ugu noqoshada miisaaniyadda 2018ka.
Xeerka Duulista Hawada yaa hadda lagu billaabayaa aqrinta 1aad iyada oo adeegsiga Hawada Soomaaliya ay dowladdu la soo wareegtay,waxaana xusid mudan in sharikadaha diyaaradaha ee dalalka deriska ay ku loollamayaan Soomaaliya.
Sharikadda diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa 41 sano kaddib dib u billowday duullimaadkeeda Muqdisho iyo Adis ababa 9kii Bishan.
Sidoo kale Sharikadda Diyaaradaha Kenya Airways ayaa iyaduna sheegtay in 15ka Bishan November ay billlaabeyso duullimaadyo toos ah uu Muqdishi iyo Nairobi ah.
Kulankan kii ka horreeyay ayaa u baaqday Kooram La’aan taas oo sababtay in Guddoonka Golaha shacabka uu farriin adag u diro XIldhibaannada.
Waxaa sidoo kale maanta laga sugayaa Guddoonka soo bandhigidda Xildhibaannadii baaqday kulankii 23aad ee todobaadkii la soo dhaafay,kuwaas oo uu guddoonka sheegay in uu magacyadooda golaha ka hor sheegi doono.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…