Odayaasha iyo Maamulka Balanbal oo dhexdhexaadin ka dhex billaabay beelo dagaallamay

Wararka Mustaqbal radio ay ka heleyso Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay kulamo gaar gaar ah ay yesheen Maamulka Degmada iyo Odoyaasha dhaqanka.

Ujeedka kulankooda ayaa ahaa in ay soo afjaraan Colaad Beeleed dhexmartay labo Maleeshiyo oo sababtay dhimashada 4-qof iyo dhaawaca 6-kale.

Xuseen Liibaan Warsame Gudoomiyaha Balanbal oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in wajiga koowaad ay soo gaba-gabeeyeen oo ah in ay dagaalka joojiyaan, sidoo kalena kala durjiyaan Labada dhinac.

Gudoomiye Xuseen ayaa tilmaamay in Odoyaasha dhaqanka ay kala hadleen sidii xal deg deg ah loogu heli lahaa Dagaal Beeleedka, maadaama saameynta ugu badan uu yeeshay dadka Deegaanka.

Dhanka kale Cabdi Muuse Cali oo ah Taliyaha Booliiska Degmada Balanbal ayaa sheegay in aan Degmada Ka jirin Ciidamo Booliis ah oo awood u leh kala dhex geliska Maleeshiyo Beeleedyada.

Waxa uu tilmaamay in dadka dagaalamaya badankood ay dhasheen wixii ka dambeeyay bur-burkii Dowladii dhexe ee Dalka, sidaas awgeed ay u baahan yihiin Wacyi-gelin loo sameeyo.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug Taliye Cabdi Muuse waxa uu ka dalbaday in ay Ciidamo geeyaan Degmada Balanbal oo uu sheegay in ay kusoo noq-noqdeen isku dhaca Maleeshiyo beeleedyada.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

11 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

12 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago