Maamulka Garbahaarey oo ka hadlay Sababta Madaxweynaha Jubbaland loogu diiday in uu tago Degmadaas.

Dibadbax ka dhan ah Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland ayaa shalay ka dhacay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku wajahan yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Maamulka Gobolka Gedo iyo kan Degmada Garbahaarey ayaa Mustaqbal u sheegay in Safarka madaxweynaha aan ku qanacsaneen shacabka Degmada, sidaasne uu ku dhashay isku soo baxooda.

Sababo dhowr ah oo isbiirsaday ayay ku sheegay in loo diidan yahay socdaalka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) .

Aadan Bare Dhageey Gudoomiye ku xigeenka Degmada Garbahaarey oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in 7-sano uu xilka hayo aan Madaxweynaha Jubbaland tagin Gobolka Gedo.

Mudadaas ayuu tilmaamay in ay ka dhaceen Tacadiyo ay geysteen Ciidamada Kenya, Dagaal Beeleedyo iyo Fatahaad saameeyay Dadka Gobolka.

Ciidamada Kenya waxa uu sheegay in Degmooyinka Gobolka ay duqeymo ku waxyeeloobeen shacab ka geysteen, sidoo kalena ay kufsadeen Haween, madaxweyne Axmed Madoobane aan ka hadlin sida uu hadalka u dhigay.

Khilaafka ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayuu sabab ugu dhigay in ay qayb ka tahay waxyaabaha keenay in ay kacaan Dadka Gobolka Gedo.

Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa wado isku dayo ay ku doonayaan in ay ku dajiyaan Shacabka Gedo si aanu u baaqan Safarka Madaxweynaha uu u qorsheeyay Gobolka.

Lama ogo in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay go’aankiisii ahaa in uu tago Gobolka Gedo iyo in kale, Mustaqbal waxa ay la xiriirtay Maamulka Jubbaland balse kama jawaabin.

Mustaqbal media

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

19 mins ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

26 mins ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

38 mins ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

12 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

14 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

15 hours ago