Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa Dowladda Ghana ka codsaday in Ciidamo Boolis ah oo lebbisan ay ku yaboohdo AMISOM.
Ku simaha Taliyaha Booliska ee AMISOM Haweeneyda lagu magacaabo Christine Alalo, oo Wariyayaal ka socday Ghana iyo Nigeria kula hadleysay Muqdisho ayaa sheegtay in Dowladda Ghana ay ka codsaneysi Boolis lebbisan.
Ghana waxaa hadda Soomaaliya ka jooga 37 Saraakiil tababarayaal Boolis ah,mana jiraan Boolis lebbisan oo la howlgala Ciidamada Soomaalida ah.
Christine Alalo,ayaa sheegtay in Hadda ay Ciidamada Booliska ah ee AMISOM ee lebbisan ka kala socdaan dalalka Uganda, Nigeria iyo Sierra Leone.
Waxaa ay sheegtay in Guuto lebbisan oo Boolis ah oo ay ka helaan Dowladda Ghana ay uga dhigantahay dhiirro gelinta nabadeynta Soomaaliya.
Alalo, ayaa xustay in Booliska uu hadda heysto Howlgalka AMISOM uu gaarayo 718 oo Askari una baahanyihiin 322 Askari si ay u gaaraan hadafka Booliska AMISOM oo ah 1,040 oo Askari.
Wariyayaasha ka kala socday Ghana iyo Nigeria ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 Wariye waxaana casuumay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…