Odoyaal dhaqameed dhowaan ka tegay Magaalada Muqdisho si ay usoo qiimeeyaan Xaaladda dhabta ah ee ka taagan Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool oo ay ku dagaalamayaan Ciidamada Somaliland & Xoogagga la magac baxay SSC ayaa kormeeyay furimaha dagaalka.
Duubabka dhaqanka oo ay la socdaan qaar kamid ah Garaadada gacanta ku haya qaybo kamid ah Magaalada Laascaanood ayaa tegay furimaha hore ee dagaalka oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka ee la magac-baxay SSC.
Madax-dhaqameedkaan ayaa lagu wadaa in ay u kuurgalaan xaaladda dhabta ah ee Magaalada Laascaanood, kaddib waxaa lagu wadaa in ay faah-faahin ka bixiyaan waxyaabaha ay soo arkeen iyo sida ku habboon ee loo wajihi karo xalka xasiloonida lagu raadinayo.
Odayaashaan ka safray Magaalada Muqdisho ayaa caga-dhigtay Magaalada Garoowe xarunta DG Puntland kaddib waxa ay galeen safar dhanka dhulka ah oo ay ku gaareen Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.
Laascaanood waxaa ku dagaalamaya Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka ee hoggaanka ay u hayaan Isimada Dhaqanka tan 6dii Febaraayo 2023, muddada dagaalka uu socdo waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 200 oo ruux, dhaawaca waxa uu gaarayaa kun halka ay ka barakaceen ku dhowaad 200 oo kun oo ruux.
Dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Laascaanood ayaa dhanba dhanka kale ku eedeynaya in uu leeyahay mas’uuliyadda duullaanka iyo waxyeellada ka dhalatay, waxa uu dhinac weliba iska fogeynayaa in uu dagaalka billaabay.
Mustaqbal
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…