Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ayaa howlgallo xooggan ka billaabay deegaanno hoostaga Degmada Ruun-Nirgood Gobolka Shabeelaha Dhexe ee DG Hir-Shabeelle, Ciidanka ayaa tegay tuulooyin hoostaga Degmadaas.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka, Ciidamada ayaa ka jawaabaya weerar dhowaan ‘AS’ ku qaadday saldhig Ciidamu ku leeyihiin Degmada Ruun-Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo Kaashanaya kuwa Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa saacadihii u dambeeyay sameeyay howlgallo ka dhacay dhowr deegaan oo Degmada Ruun-Nirgood hoostaga si ay uga hortagaan duullaan markale ‘AS’ ku qaado.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ee howlgallada kawada Gobolkaas ayaa xoojinayaan si looga hortago weerarada ‘AS’ ee muddooyinkii dambe ku qaadayeen saldhiyada Ciidanka.
La soco wixii kasoo kordha.
Mustaqbal
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…