GUDAHA/wararka

Welwel laga muujiyay Nukliyeerka Ruushka uu ku rakibayo Belarus.

Dalal dhowr ah oo Xulifo la ah Ukraine ayaa welwel ka muujiyay qorshaha Ruushka uu Hubka Nukliyeerka ugu rakibanayo Dalka Beralus, waxa ay ku sheegeen in qorshahaas uu sababi karo cabsi xooggan oo la xiriirta in Moscow hubkaas adeegsan karto marka xaaladdu ku xumaato.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dagaalka uu dalkiisa ku jiro awgeed uu hubkaas Beralus ugu rakibanayo si uu welwel xooggan u geliyo dalalka is xulufeysanaya ee waddankiisa colaadinaya.

Mareykanka ayaa sheegay in uusan marnaba aaminsaneen in Ruushka uu adeegsan karo Hubka Nukliyeerka marka la eego saan-saanta laga muujinayo dhaqdhaqaaqa ciidan iyo qorshaha cusub ay Xukuumadda Putin soo bandhigtay.

Waddamo dhowr ah oo Yurub badan ayaa ka aragti duwan aaminsanaanta Mareykanka ee ah in uusan Ruushka adeegsan Karin hubka halista badan ee dunida laga mamnuucay in la adeegsado ee Nukliyeerka maadaama horay loo yiri Ruushku ma weerari karo Ukraine balse la arkay 24kii Febaraayo 2022 duullaan toos ah uu ku qaaday dalkaas.

Dhaqdhaqaaqa Ruushka uu sameynayo ayaa indhaha lala raacayaa waxaana muuqda welwel xooggan oo ka dhashay tallaabooyinka colaad muujineed ee Moscow si ay isaga khafiisiyo culeyska ay ku hayaan dalalka kala safanaya Ukraine.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

2 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

4 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

4 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

9 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

11 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

12 hours ago