Wasiirada Dowlad Goboleedyada oo laga doonayo xisaab cilin

Warqadda summaddeedu tahay MOF/OM/1316/18 soona baxday 05-Sep-2018 oo ay soosaartay wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa looga dalbaday wasiirada maaliyadda ee dowlad-goboleedyada Soomaaliya in ay kasoo xibsaab celiyaan lacagaha ay dowladda dhexe u gudbisay dowlad-goboleedyada muddadii u dhexeysay 1-January-2018- 30-June-2018.

Warqadda oo uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya mudane C/raxmaan Beyle ayaa lagu sheegay in xisaab celintu ay shardi u tahay geeddi-socodka deyn cafiska oo ay Soomaaliya kula heshiisay hay’adda lacagta adduunka IMF, waxa kale oo xaashidan lagu xusay in si loo soo gudbiyo lacag kale ay u baahan tahay in lacagihii hore laga helo xisaab celin dhaqsi ah

Xaashi kale oo kasoo baxday xafiiska wasiirka Maaliyadda dowladda dhexe ee Soomaaliya May-2018 ayaa dhammaan wasiirada dowlad-goboleedyada waxa looga dalbaday in ay afar bil oo kasta soo sameeyaan xisaab celin kusaabsan lacagaha ay dowladda dhexe ku wareejiso dowlad-goboleedyada.

Xisaab celinta oo  shardi u ah nidaamka daahfurnaanta iyo maamulka maaliyadda islamarkaana kamid ah xeerka maamulka miisaaniyadda dowladda ayaa dowlad-goboleedyada qasab uga dhigaya in ay sameeyaan xisaabcelin, taas oo haddii aanay sameyn u keeni karta sumcad xumo dhinaca maaliyadda ah oo sababi doonta in aan

Awoodda sameynta xisaab celin maaliyadeed ee dowlad-goboleedyada 

Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda dhexe oo hadda ah 5 dowlad-goboleed ayaa waxa suuragal ah in hannaankooda maamulka maaliyaddu uu taagdaran yahay, sabbata oo ah muddada ay qaarkood dhisan yihii oo yar iyo caqabadaha hortaagan oo badan.

inkasta oo uu kala badan yahay qarashka xisaabcelinta ee looga baahan yahay dowlad-goboleedyada haddana qaarkood waxa laga rabaa in ay ka soo xisaabceliyaan lacag dhan 900.000 (Sagaal boqol oo kun) oo u dhiganta in ay 150.000 (Boqol iyo kontan kun) qaadanayeen bil walba muddo 6 bil ah

Isha warqadaha: BBC Soomaali

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

11 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

14 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

15 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

17 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

17 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

18 hours ago