Categories: GUDAHA/wararka

Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo go’aamo ka gaaray Calanka iyo Magaca.

Wararka ka imaanaya Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Baarlamaanka maanta fadhiistay ay go’aan ka gaareen Calanka, Heesta Calanka, Magaca iyo tallaabooyinka cusub ee ka dhashay isbadalka.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in la qaato Calankii uu horay u mamnuucay Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka oo dhinac ka lahaa Calanka Soomaaliya, Heesta Calanka oo ah “Soomaaliyeey Toosoo” iyo Magaca oo ah in laga reebo Itoobiya laguna soo koobo (Dowlad Deegaanka Soomaalida).

Xildhibaanada qaarkood oo hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha ay ku doorteen Calanka iyo Magaca ay tahay in ay muujiyaan Soomaalinimadooda.

Waxa uu tusaale usoo qaatay Qowmiyadaha kale ee Itoobiya oo aan loo raacin Magaca Itoobiya, sidaana ay iyanna u qaateen.

Dhanka kale waxa ay doorteen Afhayeenka Baarlamaanka, Gudoonkiisa, Gudoomiyaha Maxakmadda iyo Ku xigeenkiisa.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kahor inta aan codka Kalsoonida la siin soo jeediyay in dib loogu laabto Calankii Dowlad Deegaanka, Heesta Astaanta iyo Magaca oo uu dhammaantood badalay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda Xabsi ku ah Magaalada Addis Ababa.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

15 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

16 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

16 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

18 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

18 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

20 hours ago