Dadaalka Nabadda Galkacyo dowladda dhexe kaalin fiican ayay kaqaadatay!

Suuqii cirtoogte iyo aagga Shineemo Berdacad 5 sano kahor waxa ay ahaayeen kalawareeg halis ah oo dagaal beeleedka Gaalkacyo intiisa badan kabillaaban jiray, waagii iigu dambeysay oo aan ka dhoofi jiray Garoonkii hore ee ciidanka xoogga dalka ee Gaalkacyo oo hadda loo yaqaan Gaashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf  laba gaarai ayaan adeegsan jiray si aan ugu kala gudbo Waqooyiga iyo Koofurta Galkacyo.

Hadda sidaas ma aha oo hal gaari ayaad magaalada oo dhan kumari kartaa, sidaas oo kale Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo hadda waxa yaraanaya kala soocii haystay bulshada, si aan taas u hubiyana waxa aan tegey Hoteelada waaweyn iyo goobaha ay bulshada Gaalgacyo isugu tagto iyo suuqyada qaarkood, waxa aan fahmay in dadaalka nabadda ee Gaalkacyo uu qaaday tallaabo fiican oo miraheedu ay si weyn oo waxtar leh uga soo muuqdaan isbeddelka Nabadda iyo biseylka Bulshada Gaalkacyo.

Sida ay u adag yihiin una badan tahay Falcelinta iyo doodaha dhacdooyinka nabadda lidka ku ah ee kasocda maqaayadaha, Hoteelada iyo xitaa jidadka waawyen ee Gaalkacyo  ayaa ii muujisay sida uu natiijo wanaagsan u sameeyey hardanka loogu jiro sidii Gaalkacyo ku noqon lahayd magaalo nabad ah oo xuddun u ah ganacsiga gobolka.

Intii aan joogay midkamid ah askarta  ayaa xabado kufuray oo dilay Allaha u  naxariistee Xaamud Cabdullaahi Warsame (Xaamid Wardheere), sida looga falceliyey loona diiddanaa falkaas waxa ay tusaale u ahayd sida ay guud ahaan Bulshada Gaalkacyo uga go’an tahay in ay nabad iyo deganaansho helaan.

Bidix: Xaamud Wardheere, Midig: Siciid Nadaara Sawirka BBC Somali

Dhinaca Waqooyiga oo ay kasocoto qabanqaabada doorashooyinka kusoo socda Puntland ayaan kusoo arkay raadka isbeddelka Gaalkacyo, waxa ii muuqatay in deganaan badan jirto, taas oo illaa ciidanka aan ku arkay.

Ciidanka Iskudhafka ah ee Gaalkacyo

Arrinta cajiibka ah ee aan kusoo arkay Gaalkacyo waa sida ay u dhaqmaan ciidanka loo bixiyey iskudhafka oo dhowr meelood kafadhiya Galkacyo, dadka hubeysan ee Bastooladaha wata iyaga oo gaadiid isticmaalaya ayay hubka u dhiibayaan ciidanka kaddibna waxa ay u kala gudbayaan labada dhinac, kaddiba lambar  ama aqoonsi kusaabsan Bastooladdiisa ayaa la siinayaa!

Intii uu doono ayuu kumaqnaanayaa meeshii uu aaday, kaddibna inta soo laabto ayaa ciidanku siinayaa hubkiisa, waxa uu maqnaan karaa saacado iyo maalmo badan, sidaas oo ay tahayna kalama yaqaan ciidanka, hadba kii jooga ayaa dhiibaya hubka dadka u kala socda labada dhinac.

Inkasta oo April-2017 ladilay taliyihii ciidanka iskudhafka ee Gaalkacyo  Gaashaanle sare  Cabdi xukun Cabdulllahi Ganboon haddana uma muuqan ciidan kala daadsan oo cabsi iyo argagax ku jira.

Ciidankan waxa bixiya dhaqaalaha howlgalkooda Dowladda Dhexe, labada maamul ee Galmudug iyo Puntland-na waxa ay bixiyeen taageero ku kooban fududeyntahabka ciidanka iskudhafku uga shaqeynayo labada maamul.

Dhowr qof oo madax iyo shacab isugu jira oo aan weydiiyey sida ay kusuuragashay in ciidanka iskudhafku muddo kooban ku xaqiijiyo waxqabad ay ahayd in uu qaato dhowrsano waxa ay ii shegeen in booqashadii madaxweyne Farmaajo ee sanadkii 2017 iyo dadaalkii uu sameeyey taliyihii xoogga dalku ay horseedeen in howlgalka ciidankani taabbo galo.

Intaas waxaa dheer kacdoon xooggan oo dhallinyada magaalada Gaalkacyo ay sameeyeen welina ay wadaan oo isna horseeday isu furanka Gaalkacyo iyo isdhexgalka bulshada sii ganacsiga iyo noloshu u socoto.

Howlgalka Ciidanka iskudhafka ee Gaalkacyo oo kakooban ciidan ka kala yimid labada maamul ee Puntland iyo Galmudug ayaa hoos u dhigay iskudhac beeleedkii mar kadhigay Gaalkacyo magaalo nasiib xun, iyada oo ciidankani uu hadda kaqaybqaadanayo xal u helidda dhacdooyinka kale ee lidka ku ah nabadda sida tuugada iyo dembiyada qorsheysan oo sabab dil.

Warbaahinta

Waxa ay warbaahinta Gaalkacyo  ahayd il kale oo shidaal kushubta khilaafka iyo isfaham la’aanta bulshada Gaalkacyo balse si aad u xowli badan ayay isu beddeshay hadda, waxaana waqti badan laga baahiyaa Barnaamijyo nabadda iyo heshiiska lagu taageerayo, kuwaas oo sida ay ii sheegeen ay idaacadaha qaarkood u sameeyaan si tabaruc ha.

Isbeddelka warbaahinta waxa kale oo saaciday codadka nabadda oo hadda aad uga badan intii ay ahaan jireen marka la joogo Galkacyo.

Soo jeedin

Dowladda dhexe inta aan ogahay nabadda Gaalkacyo waxa ay kamid tahay shaqooyinka fiican ee ay kaqabatay gobolada sidaas awgeed waxa ay u baahan tahay in ay hesho taageero dhinacyo badan, sida tayeynta Booliiska, dardargelinta dib u heshiisiinta Gaalkacyo iyo qabashada kulamo bulsho oo ka xoog iyo xeel badan kuwa hadda socda oo lagu wado dhaqaale kooban ay bulshadu bixiso.

WQ: Axme Ciise Guutaale

General Editor

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

3 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

18 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago