Haysom iyo Wasiir Jamal oo ka wada hadlay shaqooyinka QM ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wakiilka cusub QM Nicholas Haysom, waxaana ay ka wada hadleen qodobo dhowr ah ay ka mid yahiin sidii loo dardar galin lahaa shaqooyinka ay ka wadaan Hay’addaha UN-ka Somaliya.

Wakiilka cusub ee Jimciyada Quruumaha Midoobay ee Somaliya Nicholas Haysom ayaa sheegay in Somaliya ay horumar badan ka sameysay arrimaha buslahda iyo dhaqaalaha, hirgalinta qorshaha horumarinta Qaranka Somaliyed oo uu xusay in Hay’addaha UN-ka ay ku shaqeyn doonaan muhiimada ku dul xusan.

Mr. Nicholas Haysom ayaa uga mahadceliyay wasiir Jamaal Maxamed Xasan dadaalada kala duwan ee wasaaradiisa ay ka wado dhinaca horumrinta iyo jiheenta tubta horumarka Somaliya oo wasaaradda ay door muuqda ka qaadanayso, wuxuuna intaasi ku daray in wada shaqeynta balaaran ee ka dhaxeysa Hay’addaha UN-ka iyo wasaaradda qorsheynta in mudada xil hayntiisa ku egtahay in uu dar dargalin doona.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa wakiilkan ku bogaadiyay sida ay uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta uu la yeelanayo Hay’addaha kala duwan ee dowladda Somaliya, wuxuuna ka rajeeyay inuu door weyn ku yeesho isbedelada hormarka ah ee ka socda Somaliya.

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago