Wareysi: Meelaha ay ku dhufaneyso Duufaanta Axada ku soo wajahan Somaliya.

Qaybta saadaasha hawada ee BBC ayaa sheegtay in ay samaysmayso duufaan xoog leh oo ka soo abuurmaysa badda Arabia.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhiufato waddanka cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen,oo aysan ku xigsiinSoomaaliya.

Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato. Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa iyadana in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad.

Marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado. Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.

“Waxaa kaloo macquul ah in Luban ay galbeedka sii aaddo oo ay u gudubto gacanka Cadmeed” ayey tiri xaruntu.

Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Dhinaca kalena, Mustaqbal waxey wareysatay Agaasimaha Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee Hadma Cabdilaahi Axmed Cayro, Wuxuuna digniin u diray kaluumeysatada iyo dadka Caadiga ah.

Halkan Ka Dhageyso Wareysigiisa oo dhameystiran:

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

42 mins ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

12 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

14 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

19 hours ago