Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu shil galay Gaari Xamuul ah.
Shilka ayaa saaka ka dhacay degaanka Gawaan ee Koofurta Gobolka Mudug,waxaana ku dhintay lix qof halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka dhaawaca ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Koofurta Magaalada Gaalkacyo halkaas oo lagu dabiibayo dhaawacooda.
Gaariga shilka galay waxaa uu ku sii socday Magaalada Xeebeedka Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.
Shilalka Gaadiidka ayaa inta badan ka dhaca Soomaaliya,waxaana ugu badan bur burka Waddooyinka oo aan muddo dheer dayactir helin.
Sidoo kale waxaa inta badan qeyb ka ah wadayaasha Gaadiidka oo xawaare sare ku kaxeeya Gaadiidka xilliga ay marayaan Waddooyinka Burbursan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…