Wasiir Fawsiya: ‘ Dawooyinka Qaaxada waa bilaash lagamana Ganacsan karo’

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Fawsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Federaalka ah ay mamnuucday in Dekadaha dalka laga soo dejiyo dawooyinka Cudurka Qaaxada ama TB-da.

Wasiirad Fawsiya ayaa sheegtay  in Xafiiskeeda ay taallo warqad ay saxiixday oo ay ku mamnuuceysay in dadka ka ganacsada Daawada aysan Daawada Cudurka Qaaxada ka ganacsan Karin sidoo kalena dalka keeni Karin.

Fawsiya waxaa ay sheegtay in Dawooyinka Cudurka Qaaxada uu bilaash yahay islamarkaana laga helo karo Goohaba caafimaadka sidaas darteedna ay sharci darro tahay in laga ganacsado.

Dhinaca kale waxaa ay sheegtay in Isbitaallada Dowladda ay la wareegayaan islamarkaana ku shaqeyneyso dowladda sida ay xusttay.

Waxaa ay Wasiiraddu sheegtay in inta badan Isbitaallada Dowladda ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad ama Hay’ado aan dowli ahayn,kuwaas oo ay sheegtay in laga wareejinayo.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

4 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago