Midowga Yurub oo war ka soo saaray weerarkii shalay

War ka soo baxay Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa looga hadlay qarax Ismiidaamin ahaa oo shalay lala beegsaday Ciidan u dhashay Dalka Talyaaniga oo marayay Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Midowga Yurub ayey ku sheegeen in Saraakiisha Talyaaniga ay ka soo laabteen tababar ay Wasaaradda Gaashaandhigga ku siiyeen Ciidanka Soomaaliya xilligii uu weerarka dhacayay.

Waxaa ay sheegeen in uusan jirin khasaare Ciidanka Midowga Yurub ka soo gaaray weerarkaas,waxaana ay xuseen in kolanyada la weeraray gaarayeen shan Gaari oo uu mid kaliya qaraxa saameeyay.

Waxaa ay tacsi u direen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa iyaga oo sheegay natiijada qaraxa marka laga qiyaas qaato iyo waxa ka dhashay in Dadka rayidka ah ay inta badan ku nafwaayaan weerarrada AL-shabaab.

Dhinaca Al-shabaab waxaa ay sheegteen mas’uuliyadda iyaga oo xusay in afar ka mid ah Askarta caddaanka ah ay ku dileen weerarkaas.

Mustaqbal media

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

2 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

2 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

2 hours ago

Maamulka Puntland oo maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu Dowlad-Goboleed noqday

Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…

4 hours ago

Taliyaha AFRICOM “Waxaa naga go’an sii wadista howlgallada Amni ee lagu taageerayo Soomaaliya”

Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…

6 hours ago

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

22 hours ago