Baarlamaanka K/Galbeed oo ansixiyay Guddiga doorashad Madaxweynaha

Kulan maanta Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku yeesheen Magaalada Baydhaba ayey ku meel mariyeen xubnaha Guddiga doorashada Madaxtinimada Maamulkaas.

Xubnaha maanta la magacaabay waa Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ku matalaya Guddiga doorashada waxaana ay kala yihiin;-

Ansixinta ka hor waxaa goobta lagu dhaariyay Labo XIldhibaan oo kala ah; Ibraahim C/Raxmaan Cali iyo Ismaaciil Macalin Maxamuud Maxamed oo beddelaya Walaalkiis C/Qaadir C/Raxmaan Cali oo ahaa Wasiiru dowlihii Amniga,kuna dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose iyo Ismaaciil oo beddelay Aabbihii Macalin Maxamuud Maxamed oo geeriyoodau.

116 Xildhibaan ayaa xaadirtay kulanka maanta,waxaa codka kalsoonida siisay 93 xubnood,13 ayaa diiday halka 10 kalena ay ka aamuseen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed ayaa sheegay in labo Xildhibaan ay ka banaantahay Baarlamaanka lana wado sidii lagu dhameystiri lahaa.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

1 hour ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

2 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

3 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

3 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

4 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

21 hours ago