Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

HORDHACA: Inter Milan vs AC Milan+Safafka Macquulka ah.

Waxaa caawa magaalada Milano kulanka Derbi Milano ku yeelan doona kooxaha sida wayn ugu xafiltama dhamaan tartamka ee Inter iyo Acmilan.

Kooxaha Inter iyo Milan ayaa mid kasta waxay hamuun u qabtaa in ay sii wadato bandhiga wanaagsan ee ay todobaadyadi lasoo dhaafay ku naaloonaysay marka ay caawa ku kulmaan derby Milano.

Inkasta uu kaliya hal kulan guulaystay 3 kulan ee ugu horaysay horyaalka, Luciano Spalletti ayaa ugu dambayn ku guulaystay inuu hagaajiyo hanaan ciyaareedka kooxdiisa, waxayna Nerazzuri waxayna guul gaartay 6 kulan ee u dambaysay dhamaan tartamada.

Inkasta oo kulankasta gool laga dhaliyay Milan ayaa iyana guul gaartay saddexdi kulan ee u dambaysay, waxaana kooxda Macallin Gattuso laga adkaan 8-di kulan e lasoo dhaafay, dhamaan tartamada, waxaana laga adkaaday kaliyakulanki ay 3-2 ku dubatay kooxda Napoli kulanki u horeeyay ee ay horyaalka ka ciyaarto.

Inter ayaa 4 dhibcood ka saraysay Milan sidoo kale afarti kulan ee lasoo dhaafay Milan kama aysan guulaysan Inter, waxuuna tababareSpalletti ciyaartoyda ku yiri, garaacda Milan oo muujiya inaad jacaeyl darran u qabtaan Inter.

10-ki kulan ee lasoo dhaafay ee ay labda koox yeeshaan mid saddax ay koox waliba guulaysatay halka ay 5 kulan barbaro galeen.

Labada macallin, Spalletti iyo Gattuso ayaa haysta safkooda ugu wanaagsan oo kulanka diyaar u ah, wax dhaawac ah dhanka Inter ma jiraan, halka Milan Montalivo oo dooqa macallinka kujirin iyo Ivan Strinic o dhaawac qaba ay seegi doonaan kulanka, waxaana dhanka Milan ay rajaynaysa inay safkeeda in David Calabria uu booskiisa difaacan doono.

Xiddiga ay diirada saaran tahay : Gonzalo Higuain (Milan) 30 jirkan ayaa wacdaro 5 kulan ee lasoo dhaafay isagoo kooxdiisa u dhaliyay 6 gool, waana cabsda kaliya ee uu qabo goolhayaha Inter Samir Handanovic.

Shaxda Macquulk ah:

Inter : Handanovic; Vrsaljko, De Vrij, Skriniar, Asamoah; Vecino, Brozovic; Politano, Nainggolan, Perisic; Icardi

 

Milan : G Donnarumma; Calabria, Musacchio, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Biglia, Bonaventura; Suso, Higuain, Calhanoglu.

Garsoorayaasha kulanka:

Garsoore : Marco Guida.

Calan hayayaasha koowaad iyo labaad : Meli iyo Passeri.

Garsooraha afaraad : Maresca.

Saraakiisha VAR : Irrati iyo Giallatini

Saacadda: 9:30 Pm

Garoonka : San Siro

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago