Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle oo Gudoomiye Cusub u Magacawday Baladweyne.

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadlle ayaa  xil ka qaadis loogu sameeyay Gudoomiyihii Degmada Baladweyne, iyada oo Gudoomiye Cusub loo Magacaabay.

Maxamed Axmed Ibraahim (Food-Cadde) oo horay usoo noqday Gudoomiyaha Degmada Baladweyne ayaa loo magacaabay Xilkaan.

Wareegtayada ayaa lagu sheegay in Maxamed Cismaan Macalin Qalaafow oo ah Gudoomiyaha Xilka laga qaaday in wixii maanta ka dambeeyo aan Xilkaas heyn.

Xil ka qaadistaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Hir-Shabeelle ay isbadalo isdaba joog ah ku sameysay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne.

Shacabka Magaalada Baladweyne ayaa magacaabista iyo xil ka qaadista Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku tilmaamay in lagu cuuryaaminayo Hormarka Gobolka, maadaama Mas’uul waliba oo lasoo magacaabo aan dhaafin 6-Bilood.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

17 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

18 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

18 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

20 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

20 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

22 hours ago