Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen), ayaa gelinkii danbe ee maanta soo dhameystiray xubnihii ka harsanaa Wasiiradiisa.
Xubnaha uu soo magacaabay oo rag iyo dumarba leh, ayaa waxaa u badan dhalinyaro wax soo baratay, waxaana sidoo kale Wasiirada cusub ku jira qaar kamid ah golihii Wasiirada ee Shariif Xasan Sheekh Aadan
“Waxaan maanta dhameystiray gollaha Wasiirada maamulka KGS oo aan ku xushay aqoontooda iyo kartida ay u leeyahay shaqada aan u igmaday. Waxaana kula dardaarmay in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan dastuurka KG” ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.
Wasiirkii amniga Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), waxaa loo magacaabay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee koofur Galbeed.
Halkan ka Aqriso Wasiirada cusub ee Madaxweyne Lafta Gareen:
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…