Madaxweynaha Dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa imanaya Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya.

War ay baahisay Madaxtooyada Uganda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda uu booqasho ku tagi doono Magaalada Muqdisho kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Museveni ayaa waxaa uu kulan Magaalada Adis ababa kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya kula taliyay in uu dhisto Ciidan Soomaali ah oo iskood u shaqeeya.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaasi dhismahooda kaddib iyada oo lala kaashanayo Odyaasha qabiillada ay muddo labo Sano ah noqon karaan Ciidan qaran.

Casuummadda Museveni ayaa lagu micneeyay in uu arko horumarka dhinaca siyaasadda,Dowlad wanaagga iyo amaanka Soomaaliya ka jira.

Mr Museveni ayaa dhawaan isaga oo ka hadlayay Magaalada Kampala waxaa uu Soomaaliya ku tilmaamay dal aan lahayn dowlad shaqeysa, taas oo uu dhaleeceyn badan kala kulmay dadka Soomaalida ah inkasta oo dowladda Federaalka aysan jawaab rasmi ah ka bixin hadalka Museveni.

Mustaqbal media

Recent Posts

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

2 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

10 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

10 hours ago