Wararka ka imanaya degaanka Masaajid Cali-guduud ee Gobolk Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaasi xalay ilaa saaka ay ku dagaallameen AL-shabaab iyo kooxda la baxday Macaawisley.
Axmed Dhegey, waxaa uu ka mid yahay hoggaamiyayaasha kooxdan, wareysi uu siiyay Idaacadda Mustaqbal waxaa uu ku sheegay in iyaga ay weerareen degaankaas oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Waxaa uu intaas raaciyay in shan ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen weerarkaas iyaguna uu khasaare dhaawac ku eg ka soo gaaray.
Axmed ayaa sheegay in degaanka ay kal qabsadeen dagaalkii dhacay xalay gelinkii dambe ilaa saaka waabarigii mar dambana ay dib uga soo baxeen degaankaas.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab kuna saabsan dagaalka xalay ka dhacay degaanka Masaajid Cali-guduud.
Kooxdan Macaawisleyda la baxday ayaa sheegtay in Al-shabaab ay ka difaacanayaan xoolahooda.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…