Dhaq dhaqaaqa Al-shabab ayaa sheegay in Askari Mareykan ah uu ku dhintay labo kalena ku dhaawacmeen dagaal xalay ka dhacay degaanka Daarsalaam ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerareen degaankaas oo 7km u jira Magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Weerarkan oo dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika aysan wali ka hadlin ayaa waxaa ay Al-shabaab sidoo kale sheegtay in saanad hub ah ka heshay goobtii lagu dagaallamay.
Al-shabab waxaa ay sheegeen in markii dagaalka uu cabbaar socday ay Ciidamada isbaheysanayay diyaarado adeegsadeen duqeynta dhacdayna ay ku dhaawacmeen dad rayid ah.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…