ARAGTIDA DADWAYNAHA

Yusuf Garaad:-Kala Fogee Dabrid iyo Caasimad.

Kala Fogee Dabrid iyo Caasimad

Laga soo billaabo 2011, rasaasta Muqdisho gudaheeda ka dhacdaa waa ay soo yaraaneysay.

Rasaasta ugu badan ee hadda la maqlaa waa dabrid ku dhowaad maalin kasta lagu sameeyo bar ku taalla Xeynaabka Airporka iyo Xalane.

Ciidan shish – barad ah iyo qaar toogan yaqaan laakiin baranaya sugudda shiiska ama ku hubsashada yoolka ayaa waxay ridaan rasaas aad u fara badan oo ka dhacaysa boobayaal fudud, qaar culus iyo mararka qaarkood qoryaha lidka dayaaradaha.

Waxaa rasaastaas shanqartooda arga-gaxa leh laga maqlaa xaafado badan oo magaalada ah. Inta xaafadood ee ay gaarto waxay ku xiran tahay hadba dhanka ay dabayshu u dhaceyso.

Rasaastaasi mar kasta oo ay dhaceyso waxay dadweynaha u sheegeysaa in aan nabadi jirin. Qaarkood xusuus hore oo xanuun leh ayay ku celineysaa.

Carruurta waxay ku korineysaa in ay la qabsadaan arga-gaxa rasaasta oo ay caadi u noqoto.

Kuwa magaalada ku cusub waxay ku beereysaa shaki ah in ay sax ahayd in ay halkaan yimaadaan.

Ajnebiga kiisa aan sida ay rasaastu u dhawaaqeyso ka fahmi karin, marka aad u sheegto in ay tababbar tahay wuxuu u qaadanayaa in aad niyadda u dejineyso laakiin uu socdo dagaal ku soo fidi kara meesha uu joogo.

Dadka waaweyn intooda og in ay rasaastu tahay dabrid, waxay ku khasban yihiin in ay la noolaadaan in shanqarta rasaastu ay tahay wax iska caadi ah, maaddaama ay Muqdisho joogaan. Iyada oo rasaastu dhaceyso ayay iska socdaan, qaarkoodna iskaba seexdaan.

Baahida loo qabo in ciidan la tababbaro waa la yaqaan. Laakiin caalamka oo dhan ciidan waa laba tababbaraa, hase yeeshee dabrid laguma sameeyo goob dusha ka bannaan oo magaalo gudaheed ah?

Maxay tahay waxa kallifi kara in caasimaddeenna dhexdooda laga sameeyo goob iyo laba maalin kasta ay rasaas xoog leh oo tiro badani ay ka dhaceyso?

Waxaan qabaa in la gaaray markii Ciidanka iyo cidda tababbareysaba loo asteyn lahaa goob magaalada ka baxsan.

Dagaalka ka hor, Muqdisho inta aan xusuusan ahay goobta ugu dhow ee dabrid lagu sameeyo waxay ahayd Gubadleey oo berigaa aad uga fogeyd magaalada.

Waan fahmi karaa in qaar u arko in magaalada bannaankeedu uu ka halis badnaan karo magaalada dhexdeeda, laakiin ciidan waxa ugu horreeya ee ay tahay in uu ku filnaado waa difaaciisa.

Saaxiibbo reer Cabdicasiis ah ayaa ii sheegay in aan dabridku Xalane kaliya ahayn. Waxay iigu sheegaan in sidoo kale ay ka jirto goob aan xeebta Liido ka fogeyn.

Waa gegidii dayaaradaha oo bixineysa muuqaalka ugu horreeya ee ku sawirmaya maskaxda musaafurka aan aqoon iyo midka magaalada muddo ka maqnaa oo ay ku xusuusan doonaan. Iyo Liido oo ah xeebta keliya ee Dadweynaha Muqdisho ay u dabaal tagaan.

Qormadani waxay u dambeysaa shan aan usbuuc gudihiis ka qoray arrimo la xiriira amniga iyo daryeelka ciidanka.

W/Q Yuusuf Garaad.

Afeef: Maqaalkan iyo maqaala kaada kale ee kusoo baxa bogga Aragtida dadweynuhu waxa ay gaar u yihiin Qoraagmana turjumayaan Aragtida Mustaqbal.

Aragtidaada noogu soo dir: aragtida@mustaqbalradio.net

MM Staff

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

10 hours ago

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

12 hours ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

15 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

17 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

17 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

19 hours ago